Galkacayo(AGGM) Koox hubeysan ayaa maanta dilay Tahliil Muuse Caraysane oo ah agaasimihii xafiiska la dagaallanka burcad badeeda ee maamulkii madaxweyne Axmed Maxamed Caalin.
Deegaanka Af-baraaqo oo 200 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ayaa kooxahaani waxa ay ku dileen masuulkaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka, Mana jiraan cid dilka Marxuumkaasi ilaa iyo hadda ciidamada amaanka degaankaasi u soo qabqabteen inkastoo ay sheegeen inay baaritaano ku wadaan cidii dilka ka dambeysay
Dilkaasi ayaa waxaa geestay rag bastoolado ku hubeynaa, kuwaasoo la sheegay in ay goobta ka baxsadeen si fudud kadib markii ay fuliyeen weerarka oo u ekaa mid si aad ah loo soo abaabulay. Dadka degaanka qaarkood waxay aaminsan yihiin in Xarakada Alshabab ay dileen masuulkaasi inkastoo aan loo hayn cid xaqiijisa.
Tahliil Muuse Caraysane ayaa dilka loo geystay xilli ay ku hawlanaa sidii loo sii deyn lahaa dad la-haysteyaal ah oo ku sugan qeybo ka tirsan gobolka Mudug iyada oo aan la ogeyn dilkiisu in uu arintaasi xariir lalahaa.
Ugu dambeyntii ma jirto cid illaa hadda sheegtay mas’uuliyadda dilka, iyo cid si gaar ah loogu tuhmaayo inkasta oo deegaanadaasi ay horay u halakeeyeen dilal aano qabiil salka ku haya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com