Nairobi(AGGM) Telefishanka Dalka Kenya KTN ayaa waxaa uu soo bandhigay sawiro iyo muuqaal ay ka soo dhex muuqdeen qaar ka mid ah dhalinyaradii Al-shabaab ee weerarary xarunta ganacsiga Westgate. Dhalin yaradaan hubaysan ayaa waxaa la arkayey iyagoo iska dhex maray xarunta ganacsiga West gate iyagoo oo labisan Jaakaddaha xabadaha celiya.
Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin Soomaali iyo ajaaniib kale, oo dhammaantood ka tirsan Al-Shabaab ee dalka Somalia, oo agaasintay weerarka. Muuqaalada TV-ga KTN ayaa waxaa sidoo kale ku dhex jiray qaabkii West Gate loo geliyey hubka iyo sida musuq maasuqa u dilloodaay ciidanka Kenya, oo xittaa la rumeysan yahay in hubka qaarkiis laga iibsaday.
Ugu dambeyntii ciidamada ilaalada xaduudaha iyo Laamaha socdaalka ayaa lagu eedeynayaa inay lacago laalush ah ka qaataan dadka ka soo galaya xaduudaha,waxaana talaabadaasi lagu sheegay inay ku soo dhex dhuuman karaan cid kasta oo argagixiso calami ah isla markaasna dhibaato ka geysan karra dalka Kiiniya.
Halkan Ka Daawo Warbixintan
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com