Ciidamadda Qaranka & Booliska Oo Lacago Ugu Deeqay Jidka isku Xidha Burco & Ceerigaabo

0

jananadda-Booliska-iyo-ciidanka-qarankaHargeysa(AGGM) Taliyeyaasha ciidammadda Qaranka Iyo Booliska Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) iyo Sareeye Guuto Cabdilaah Fadal Iimaan ayaa maanta si wada jir ah shaaca ugaga qaaday inay sadexda bilood ee soo socda askari kasta oo ka tirsan labadaas ciidan ugu deeqayaan min hal dollar oo ka mid ah mushaharkiisa dhismaha jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) oo warbaahinta kula hadlayay goobtii Madaxweynuhu ku dhagax dhigay dhismaha jidka 370km ah ee isku xidhaya Burco iyo Ceerigaabo, ayaa sheegay “Anigoo ka wakiil ah ciidammadda qaranka Somaliland ee dhiigooda u huray dalkooda, waxaanu dhismaha jidkan ooh awl-bowle ah kaga qeyb qaadanaynaa lacag aanu ugu deeqayno jidkan sadexda bilood ee sanadkan ka hadhay. Waxa askari kasta oo ciidanka qaranka tirsani uu ugu deeqayaa wadadan hal dollar bishiiba.”

“Ciidanku marka wax u soo kordhaan-ba way ducaystaan, maadaama oo ay qaateen derajooyinkii ciidammadda qalabka sida oo dhan la siiyay, waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in ciidanka qaranku ay lacagtaas kaga qeyb qaadanayaan horumarinta dalka iyo jidkan-ba,”ayuu intaas raaciyay Taliye Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqalle.

“Wadadaasi waxay u baahan tahay in la isku taago, shacab, xukuumad, xataa ardaygu uu kaga qeyb qaato quraacdiisa la soo siiyo,”ayuu yidhi Taliye Ismaaciil Shaqalle.

Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in Gobolka Sanaag yahay mid hodan ah, hase yeeshee dalka intiisa kale ka go’doonsanaa sababo la xidhiidha waddo xumadda darteed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa isna sheegay inay Boolisku askari kastaa u jari doono wadadan hal dollar sadexda bilood ee soo socda.

“Ciidanka Booliska oo waajibaadkiisu yahay sugida nabad-gelyadda gudaha iyo difaaca dalka haddii loo baahdo. Waxaan halkan ka cadaynayaa in ciidanka Boolisku sadexda bilood ee soo socda ugu deeqay wadadan in askari kastaa u jaro hal dollar, waxaanan jecelahay inay guddida horumarinta Togdheer ay naga gudoonto,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Dhinaca kale, Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyaduna daboolka ka qaaday in macalimiinta, ardayda iyo guud ahaan hawl-wadeenadda wasaaradda waxbarashadu kaalin ka geysan doonaan qaadhaan u ururinta hirgelinta wadadan.

Dhismaha jidkan oo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo u babac dhigtay ayaa noqonaya Mashruucii ugu weynaa ee dalka laga fuliyo, waxaanu wadadan dhererkeeda lagu sheegay 370 KM, waana sababta aanay dawladihii dalkan soo maray uga indho-qarsadeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com