Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Dib U Habeyn Casri Ah Ku Sameyn Doonto Dekeda Magaalada Muqdisho.

0

astaanta.qaranka-300x2286Muqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacidayaa markii ugu horeysay shaaciyay in xukuumadiisu wado qorshe dib loogu habeynayo inta badan dekedaha ku yaala dalka Soomaaliya, gaar ahaan dekeda magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Saacid ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ballaaran oo ay ku doonayaan in ay dib ugu casriyeen, iyo waliba dib u habeyn ku saameyn doonaan dekedaha dalka, waxaana uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo u heelan sidii ay dowladda Soomaaliya uga taageeri lahaayeen qorsha lagu hormarinayo Dekedaha dalka.

Waxaa uu tilmaamay  islamarkaana ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed si looga dhabeeyo hormarka ballaaran ee la higsanayo in ay ka shaqeeyaan midnimada, islamarkaana bar bar istaagaan dowladooda.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay ra’iisal wasaare Saacid in ay Soomaaliya u hayaantay guul iyo hormar, islamarkaana ay ka guurtay colaadihii iyo dhibaatooyinkii,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu dalku hiigsanayo kobac dhaqaale oo deg deg ah sida uu sheegay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale ka waramay ahmiyadda ay leedahay hormarinta Ilaha dhaqaalaha dalka oo ay kow ka yihiin Dekedaha dalka oo ah goobta ugu badan ee dowladda uu kharashaadku kasoo galo marka laga reebo deeqaha dibadda.

Tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee dalka Dekedaha ku yaalla Soomaaliya ma aysan helin wax horumarin ah,lama oga sida ay dowladdu uga dhabayn doonto ballan qaadkeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com