Hargeysa(AGGM)Xildhibaan Khadar Ismaaciil Cabdi oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtidda Somaliland ayaa xukuumadda ku taageeray qorshaheeda la xidhiidha horumarinta waddooyinka dalka oo uu tilmaamay inay furre u noqon doonto horumarinta dalka.
Xildhibaan Khadar Ismaaciil Cabdi waxa uu madaxweynaha ku bogaadiyay hindisihiisa la xidhiidha hirgelinta Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan madaxweynaha Somaliland ku bogaadinayaa dedaalka iyo juhdiga uu geliyay horumarinta waddooyinka oo ay xukuumadiisu guntiga dhiisha iskaga dhigtay inay wax ka qabato. Waxaan xukuumadda ku Boggaadinayaa jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkiisu dhan yahay 370 KM in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu noqday Madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland ee ku dhiirrada inuu dhagax dhigo hirgelinteeda.
Madaxweyne hanka iyo himilada aad ku dhagax dhigtay waa mid aad magac ku kasban doonto, ummadda reer Somaliland oo dhanna kugu garab taagan tahay.”
“Waxaan qabaa haddii muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi uu karaankiisa kaga qeyb qaato iLAAHAY-na inala qabto inaynu ka midho dhalin karno oo dhisan karno jidkaasi iyo kuwa kale ee dalka ka socda iyo kuwa qorshaha ku jiraba,”ayuu yidhi Xildhibaan Khadar oo u waramayay saxaafadda.
Xildhibaanku waxa kale oo uu ku baaqay in sanadkan sii galbanaya iyo sanadka 2014-ka ee soo socdaba Somaliland u jeedsato horumarinta waddooyinka, bulshaduna ay noqoto qaar xukuumadda ka saacidaya horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.
Xildhibaan Khadar Ismaaciil waxa uu ku dooday in xukuumadda Somaliland ay horumar ka samaysay kobcinta dhaqaalaha, waxbarashadda, caafimaadka iyo Kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com