Kismaayo(AGGM) Kooxo ku hubeysnaa Bam gacmeedyo ayaa la shaacinaya inay xalay weerar ku qaadeen hoy uu ka deganaa Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose masuul ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegay in bam gacmeedkaasi uu sababay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray gaar ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.
Gurigan weerarku ka dhacay ayaa ku yaala xaafada Suuq Yaasiin ee Magaalada Kismaayo waxaana degan masuul ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ee dhibaatada baahsan ka wada Magaalada Kismaayo,waxana la xaqiijiyey in kooxdii Bam gacmeedka ku tuurtey gurigaasi ay ka baxsadeen halkaasi iyadoo uu dhaawac soo gaaray haweenay la sheegay inuu qabay Masuulka la wareeray.
Masuulkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Isxaaq waxaana uu ka mid yahay horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni kaasi oo dhinaca amaanka u qaabilsan Dekadda Kismaayo Maleeshiyaadkooda,waxaana wararku sheegayaan inuusan halkaasi ku sugneyn isagu isla markaasna reerkiisa kaliya halkaas ku sugnayeen taasi oo sababtey in dhaawac soo gaaro Xaaskiisa oo hadda lagu dawaynayo isbitaalka ciidamada Amisom.
Ma jiraan cid ka tirsan Horjoogayaaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni oo ka hadlay arrimahasi,waxaana wararku sheegaya in maleeshiyaadka Raaskambooni saaka dad shacab ah u qabqabteen weerarkaasi oo dhacay xalay fiidkii,waxaanse la ogeyn dadka la soo qabqabtay xilligan inay ku lug lahayeen weerarkaasi iyo in kale. Inkastoo maleeshiyaadka Raaskambooni ay dadka iska soo qabqabsadaan isla markaasna lacago laalush ah ka qaataan.
Ugu dambeyntii Xaalada amaan ee Magaalada Kismaayo ayaa ah mid faraha ka soo baxaysa iyadoo shalay ay ka dhaceen qaraxyo lagu weeraray gaari ay saarnayeen dad shacab ah kuwaasi oo muru maalato ah isla markaasna shaqo ku sii jeeday. Mana jiran cid isku hawshay inay wax ka qabato amaan darrida Magaalada Kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com