Dhageyso: Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Oo Eedeeyn U Jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

0

AXMED DIIRIYE CALIMuqdisho (AGGM): Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimo kala duwan.

Waxa uu sheegay Axmed Diiriye kuna eedeeyey gudoomiyaha Baaralamaanka Somaliya Maxamed Cusmaan Jawaari mid iska hor keenaya dadka Beelaha Hawiye kasoo jeeda.

Diiriye waxa uu sheegay in lixda gobol ee loo dhisayo K/Galbeed Somaliya mid aan loo dhameyn islamarkaana hadii aan laga gaarin sida wax loo wado ay sababi karto iska horkeenida dadka Somaliyeed oo qabaa’ilo kala duwan iskugu jira.

“Ninkaan la yiraahdo gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxa uu wadaa kala qeybinta Beelaha Hawiye,waxa uu shir uga furay muqdisho dad uu leeyahay hawiye ayey matalayaan, waxaan  baaqayaan in la joojiyo arintaasi ayuu yiri axmed diiriye”.

Hadalkaani waxa uu imaanayaa iyadoo uu Baydhabo ka soconayo qorshe Maamul loogu sameynayo Kofur galbeed Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Shir-Jaraaid-Axmed-Diiriye.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com