Mudane Daahir Rayaale Kaahin Oo Hargeysa Dib Ugu Soo Laabtay

0

Riyaale1Hargeysa(AGGM)Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay dalka Dib ugu soo laabtay kadib markii uu in muddo ah ku sugnaa Dalka Faransiiska oo uu in muddo ah deganaa.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu shalay ka soo dagay Madaarka Hargeysa isagoo la socday duulimaadkii Jubba ee ka soo kicitintay Dalka Jabuuti.

Daahir Rayaale Kaahin waxa ku wehelinaysay safarkan Marwadiisa Hudda Barkhad Aadan, waxaana madaarka ka soo raaceen mid ka mi ah gaadiidkooda.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu hore dhawr jeer ugu soo laabtay Hargeysa hase yeeshee tan iyo intii uu Xilka wareejiyay waxa uu ka gaabsaday ka hadalka arrimaha siyaasadda gaar ahaana Naqdiga dhaliilaha Xukuumadda talada haysa.

Daahir Rayaale Kaahin safarkiisii ugu danbeeyay waxa uu dalka ka tagay iyadoo khilaaf wayni dhex yaalay siyaasiyiintii ay isku bahda ku ahaayeen UDUB, hase yeeshee waxa uu dhagaha ka furaystay in uu badbaadiyo, waxaanu go’aankiisii sababay in xisbigii uu hogaamiyaha ka ahaa burburo.

Ugu dambeyntii Daahir Rayaale kaahin waxaa umadda Reer Somaliland ku xasuustaan sidi wanaagsanayd ee uu maamulayey intii uu taladda dalka hayey,waxaana xilligaasi Jamhuuriyadda  Somaliland ahayd mid mawqif cad ka qaatay arrimaah soomaaliya isla markaasna aysan dawladiisu aqbali jirin inay la kulanto cid ka socota dalka soomaliya ee ay dariska yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com