Daawo Sawirada:-Madaxda Dowlada oo Saalada Ciidda Shacabka Kula Dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

0

IMG_4811Muqdisho(AGGM)Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari),ra’iisulwasaaraha xukuumada soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo xildhibano ayaa kumanaan qof oo soomali ah saalada ciida kula dukaday masjidka isbaheysiga islaamka.

Guddoomiyaha gobolka banaadirahna duqa magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka ayaa ka soo qeyb dukashada saalada ciida.

Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer u jeediyay dadweeynihii ka soo qeyb galay salaada ciida ayaa marka hore ummadda soomaaliyeed ugu hambalyeeyya munaasabadda ciidul-adhxaa.

Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dowlada soomaaliya,iyo sida ay hay;adaha ammaanka ugu garab siiyeen sugidda ammaanka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowlada ay diyaar u tahay inay dowladnimiada gaarsiiso meel kasta oo ka mid ah soomaaliya oo qof waliba oo soomaali ah ku gaarto meesha uu joogo,korna ay u qaado ammaanka dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay ay taageeraan dowladnimada oo talooyinkoodana u soo gudbiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan nabad la heleynin hadii dowladnimo la waayo.

Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa mar kale baaq u diray dhalinyrada ay marin habaabiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab,isagoo ugu baaqay in ay dadkooda u soo laabtaan.

“Waxaan leenahay walaalaayaal dadkiina u soo laabto,iyada oo aan leydin cadaadin oo aan leeydin ceebeeyn waxaan idin leenahay walaalayaal u soo laabta,dadkiina iyo dalkiinana ka joojiya dhibaatada aad ku haaysaan”ayuu yiri madaxweynaha soomaaliya.

Ugu Danbeyntii madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay is cafiyaan maadaama ay maanta tahay maalin farxadeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_4811IMG_4864IMG_4774IMG_3661DSC00849IMG_3542IMG_3544IMG_3613IMG_3635IMG_4783