Qarax Saaka Waabarigi Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Kismaayo.

0

QaraxGaariKismaayo (AGGM): Qarax xoogan ayaa saaka waabarigii hore ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo, kaasoo ahaa miino lagu aasay wado dhinaceeda ah, kadibna uu iskiis u qarxay.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa wax qasaare ah oo ka dhashay, iyadoo loo maleynayo inuu ahaa miinooyinka waqtiga lagu xiro.

Dadka deegaanka oo aanu la xiriirnay ayaa sheegay in miinada la geliyay geed qurac ah oo wado dhinaceeda ah.

Maleeshiyo Beeleedka Raskambooni ayaa ilaa saddex ruux u qabtay qaraxa, kuwaasoo u gudbiyay xabsiga dhexe, inkastoo xilliga qaraxa dhacay ay aheyd subaxnimo ay dadka soo toosayeen.

Habeen hore ayay aheyd markii qarax bambaano lagu weeraray fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyo Beeleedka Raakambooni.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxii ugu weynaa uu dhacay bishii hore kaasoo ahaa weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu qaarijiyo Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com