Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maqribadii ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,isagoo ku sii jeeda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Turkiga mudane C/lla Guul.
Labada madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadlayaan xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo mashaariicda horumarineed oo ay dowlada turkiga ka wado Soomaaliya.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay dalka Turkiga waxa uu kulamo kala gadisan la qaadan doonaa mas’uuliyiin dowlada turkiga.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com