Gudomiye kuxigeenka Barlamanka oo dalka dib ugu soo labtay.

0

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo oo dhowaan magaalada Brussels uga qeybgalay shir looga hadlayey Xuquuqda Aadanaha caalamka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, ayadoo gudoomiye ku xigeenka Baarlmaanka iyo wafdigiisana ay mid mid u gacan qaadeen dhammaanba xubnihii soo dhaweeyey.

Gudoomiyaha gudiga Xuquuqul Insaanka, Arrimaha Beni’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo markii lagu soo dhaweeyey wafdigooda garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kadib ka hadashay goobta ayaa tilmaantay in wafdigooda oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka ay safar shaqo ku tageen dalka Belgium, ilsamarkaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyey.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa tacsi u diray dadkii ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerarkii argagixisanimo ee dhowaan ka dhacay afaafka hore ee Hotel Makka Al-mukarama, waxaana umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel ugasoo wadajeestaan cadowgooda si looga hotago dhammaan falalka guracan ee aanay sal iyo raad toona ku laheyn diinteenna Islaamka ee suuban.