Kooxo Hubeysan Oo Muwaadin Soomaaliyeed Dil Ugu Geystay Dalka South Africa

0

togasho-islii_2Johensburg(AGGM)Booliiska magaalada Johansberg  ayaa wada baaritaanno ku aadan muwaadin Soomaaliyeed oo Laba habeen ka hor kooxo Bistoolado ku hubeeysna ay toogteen isagoo ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaala tuulo hoos timaada Magaalada Johsberg.

Dilka Ganacsadahan  ayaa la rumeysanyahay in ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo isugu jira Soomaali iyo South African kuwaas oo hore muranno ilaa heer Maxkamadeed gaaray ay kala dhaxeeyeen,  waxa ayna dadka deegaanka sheegeen in dadka dilka geystay ay muddo Laba maalmood ah ay goobtaasi ku so laablaabanayeen kadibna ay dileen  Cali Sheekeeye oo ahaa milkiilihii dukaanka halka uu ku dhaawacmay weerarkaasi nin isna lagu Magacaabo Ciise Madoowe.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika oo ka hadlay Weerarka lagu qaaday Dukaanka ganacsi ee uu lahaa ganacsadaha la dilay, ayaa  waxa uu sheegay in Ganacsadaha la dilay uu ahaa nin si weyn looga yaqaan Johanesburg geeridiisana aad looga wada naxay.

Ma jirto ilaa hada cid ciidamada amaanka South Africa usoo qabteen Dilka Ganacsadahan Soomaaliyeed ee xalay ka dhacay Tuulo hoos tagta Magaalada Johanesburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika waxaa caadi ka noqday Dilalka iyo dhibaatooyinka loogu geesto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com