Baladweeyne (AGGM): Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay amaanka Gobalka Hiiraan waxa uuna sheegay in amaanka Gobalka Hiiraan uu yahay mid la isku halayn karo islamarkaana ay sugeen Ciidamada aamaanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Waxa uu sheegay Cabdi Faarax laqanyo in amaanka Gobalka uu yahay mid ka soo raynaya waxaa uun sheegay in ciidamada amniga Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM dadal badan u galeen in amaanka Gobalka xoojiyaan si looga hortago falal amaanka lid ku ah.
Cabdi Faarax laqanyo ayaa sidoo kale sheegay sabaabta Muqdisho u joogo waxa uuna xusay in uu halkaa u tagay arima amaanka khuseeya islamarkaana uu la kulmay madaxda amaanka Dalka Soomaaliya wax badana sida uu sheegay u qabsoomeen mudadii uu halkaa joogay.
Mr laqanyo waxa uu uga digay Shacabka Gobalka Hiiraan in aysan wadooyinka xiran waxa uuna ka codsaday in amaanka kala shaqeeyaan Ciidamada amaanka oo aysan ku dayn Ciidamada oo kaliya balsa loo baahan yahay in gacan siiyaan si argagaxisada looga guulaysto.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com