Wasiiradii Xukuumadii C.welli Gaas oo War culus kasoo saaray Khilaafka Madaxda Dowladda ‘Sawirro’

0

Waxaa kulan xasaasi iskugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golahii wasiirada ee xukuumadii kumeel gaarka ahayd ee uu raysal wasaaraha ahaa Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee Badbaado Qaran.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha naadiga Badbaado Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” wasiirkii hore ee warfaafinta Boosaha iyo Isgaarsiinta waxana kulankan looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaalada haatan dalku ku sugan yahay.

Inta uu kulankan socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday marxalada haatan dalku uu marayo, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo Madaxda dalka ugu sareeya gaar ahaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Madashan uu kulankan ka dhacayay ayaa hadalo kala duwan waxa ka jeediyay qaar kamida xubnaha Naadigan Badbaado.

“Waxa aan ka xunahay khilaafka xiligan taagan iyadoo dowladu jirtay mudo sanad ah dibna loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii kumeel gaarka. anagoo ka sugaynay dowlada federaalku inay hore u sii wado hanaanka dowladinmo” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” oo ahaa shirgudoonka .

Kulan ayaa waxaa si wayn loogu lafa guray arimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka,waxaana ugu danbayntii ka soo baxay war murtiyeed ka kooban Saddex qodob, waxana ka mid ahaa

Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha.
In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha.
Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran waxayna ka kooban yihiin xildhibaano kor u dhaafaya 30 Mudane iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaano, waxayna kulamo joogta ah ku yeeshaan dalka gudahiisa, iyagoona ku falanqeeya xaaladaha dalka gaar ahaan arimaha Amniga,Siyaasada iyo dhaqaalaha.

Badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii kumeel gaarka ahayd yeeshana dowlad rasmiya,170 227 323 419 520 617 717 817 916 1015

DHAMAAD