Muqdisho(AGGM) Caasho Xaaji Cilmi ah oo ah siyaasiyad Soomaali ah, una ololeysa nabadda ayaa Talaadadii shalay ku guuleysatay abaal-marin caalami ah oo lagu guddoon-siiyay dalka Malawi.
Marwada raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, ahna xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka mid noqotay afar haween ah oo laga soo kala xulay dalalka qaaradda Afrika, kuwaas oo loo aqoonsaday inay horseedeen isbeddel dhinaca xuquuqda haweenka qaaradda Afrika.
Madaxweynaha dalka Malawi, Joyce Band oo haatan ah guddoomiyaha ururka SADC ee horumarinta ammaanka iyo siyaasadda dalalka ku yaalla koonfurta qaaradda Afrika ayaa abaal-marinta guddoon-siisay Marwo Caasho Xaaji Cilmi.
Joyce Band ayaa ku ammaantay Caasho Xaaji inay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta xaaladda haweenka Soomaalida.
Marwo Caasho Xaaji Cilmi oo ku dhalatay gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore ku guuleysatay abaal-marinno caalami
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com