Dhageyso: Dowladda Jabuuti Oo Sheegay In Ay Ciidamo Dheeraad Ah U Dirreyso Gobolka Hiiraan.

0

ismaaciil-cumar-geeleJabuuti (AGGM): Madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu todobaadyada soo socda ciidamo dheeraad ah u dirayo gudaha Somalia si ay xoojiyaan ciidamada dalkiisa ee magaca AMISOM ku jooga bartamaha Somalia.

Mar uu weysi siiyay Idaacada VOA-da ayuu sheegay in guuto kale oo dheeraad ah ay u dirayaan Somalia kuwaasoo tirada ciidamada dalkiisa ka jooga Somalia ka dhiigi doono ku dhowaad labo kun oo askari.

”Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka mid ah waxaa uu ka howlgalaa qeybta afaraad ee howlgalka Midowga Afrika uu ka wado Somalia taasoo ah gobolada dhexe ee dalka oo ah qeybta ugu balaaran sidaas ayaa loogu baahday in dheeraad ah la geeyo” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intaa ku darray in uu socdo qorshe milateri oo ay wadaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowlada Somalia kaasoo la doonayo in gobolka Hiiraan oo dhan looga sifeeyo Al-shabaab.

Golaha amaanka ee QM ayaa dhowaan isku raacay soo jeedin ka timid midowga Afrika oo ah illaa 6 kun oo askari lagu kordhiyo howlgalka AMISOM oo hadda tiro ahaan gaaraya ku dhowaad 20 kun oo askari si Al-shabaab looga sifeeyo degaanada ay weli kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Somalia, waxaana ciidamadaas ay ka kala imanayaan dalalka ay hadda ciidamada ka joogaan Somalia.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Madaxweynaha Jabuuti

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com