Dhageyso: Madaxweynihi Hore C/qaasim Salaad Xasan Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo, Fariina U Diray R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

0

cabdiqaasimMuqdisho (AGGM): Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay arimaha Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka soo kala dhex gala inta badan Madaxda sare ee dowladda sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha.

Wuxuu sheegay C/qaasim dadka Soomaaliyeed in looga baahanayhay inay ku kalsoonaadaan dowladooda isla markaana ay gacan siiyaan isagoona uga digay dowladdaha shisheeye inay faragalin ku sameeyaan arimaha Siyaasada Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay arimaha Khilaafka inta badan soo kala dhex gala Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasarihiisa ayaa waxaa uu arintasi ku sababeeyay Dastuurka ay ku dhaqmaan oo ah mid aan si wanaagsan u kala cadaynayn qof walba awooda uu leeyahay iyo faragalin ay ku hayaan dalal kale.

Mar uu ka hadlayay dagaalada ka dhaca gobolada dalka gaar ahaan deeganada ay gacanta ku hayso dowladdu ayaa waxaa uu xusay dagaaladaasi in looga gudbi karo dadka oo alle barya isla markaana isku calool fiyoobaada, isagoona dowladda dhexe ka dalbaday inay isku keento dadka isku haya deeganadaasi si dhex dhexad ahna ugu kala garsoorto.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay arimaha Federaalka ayaa waxaa uu xusay dhibaato xoogan inuu u keenayo Soomaaliya isla markaana uu horay muddo laga joogo dhowr sano uga digay Maamulada Reer Hebel Land.

Dr.Cabdi Qaasim Ayaa Wuxa uu Daboolka ka qaaday in Dhinacyo kale ay Jiraan Fara Gelin Shisheeye oo Lagu Hayo Dalka, Taasi oo uu Sheegay Intay Tahay Mid Muuqaata.

Ugu danbayntii Dr Cabdi Qaasim wuxuu Fariin u diray Ra’iisul Wasaarha cusub ee Soomaaliya Dr Cabdiwelli Shekh Axmed oo dhawaan la filayo inuu soo dhiso Golaha wasiirada Xukuumadiisa.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga….

Dhageyso Madaxweynihi Ee Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com