Muqdisho (AGGM): Wasiirka Arimaha gudaha Somaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay shil maanta ka dhacay magaalada muqdisho oo gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM qof rayid ah ku dilay wadada maka Al Mukarama.
“Dowladda waxay ka xun tahay khasaaraha dhanka nolosha ee ka dhashay shilkaasi iyadoo uu bilawday baaritaan isla saaka galaya si loo baaro dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Maka al Mukarama,ayuu yiri Wasiirka”.
Mudane C/llaahi Goodax Barre oo sii hadlaya ayaa yiri “Waxaan ugu baaqaya AMISOM inay ixtiraamaan oo ay uhogaansamaan shuruucda waddanka uyaalla iyo inay la shaqeeyaan Booliska iyo dawladda Soomaaliya ee baaritaanka kuwada dhacdo uu ku dhintay marxuum Saalax Nuur Maxamed oo 41-sano jir ahaa kaasi oo ahaa nin Taksiile”.
——-DHAMAAD——-
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com