Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Gobolka Gedo? W/D Mohamed Cabdinuur

0

Ugu horey Waxaa mahad oo idil u sugnaatey Alle subxaana watacaalaa marka xigtane Nabi Muxamed naxariis iyo nabad gelyo Korkiisa ha ahaato , intaas kadib waxaan jeclaan lahaa inaan bal waxyar isdultaag kusameeyo Xaaladda Caafimaad iyo midda Nafaqa Darro ee kajirto Degmooyinka Gobolka Gedo .

Inkastoo Dhawaanahaan ey jireen dadaalo ey muujinayeen dadka degan Gobolka kuwaas oo lagu dayactirayo xarumaha Caafimaad ee Degmooyinka gobolka oo ey ugu horeyso dayactir kubilowdey Isbitaalka Guud ee Gobolka Gedo kaas oo kuyaalo Xarunta gobolka ee Garbaharey ayaa hadane wali eysan fari ka qodneyn xaaladaha caafiaad darro ee kajiro inta badan degmooyinka gobolka Gedo .

Gobolka Gedo oo kakooban ilaa todobo Degmo iyo degaano badan oo degmooyinkaas hoos yimaado ayaa kamid ah meelaha ugu halisan xagga caafimaadka Gobolada Dalka waxaana gobolku uu la daalaa dhacaayaa Xaalad Caafimaad iyo nafaqo darro tii ugu liidatey Oo qowm meel dagan uu gaaro . Waxaana mid mid u dul istaagi doonaa degmooyinka gobolka iyo sida ey ugu kala horeeyaan Xagga Caafimaadka inakstoo wax aan micno laheyn ey is dhaamaan .

Garbahaarey

Waa magaalo madaxda Gobolka Gedo waxaa si liidato ushaqeeyo isbitaalka guud ee degmada kaas oo si mutadawacnimo ah ey ku shaqeeyaan dhaqaatiir fara kutiris ah oo u istaagay iney bulshadooda aan cidine u maqneyn gacan qabtaan inkastoo xilliyo hore ey jireen hay’addo caawin jirey hadane waxay masuulyiinta Isbitaalka gacanta kuhayso ii xaqiijiyeen in hadda eysan jirin cid ey kutiirsanyihiin . wuxuuna isbitaalkaan caawiyey boqolaal qof ah oo ku waxyeeloobay dagaaladii ugu darnaa ee gobolka ka dhacay kuwaas oo ilaa xilligaan aan dhamaan iyadoo magaalada Garbahareyne ey kamid aheyd meelihii ugu badnaa ee dagaalada lagu hoobtey ey ka dhaceen

Baledxaawo

Waxay kamid tahay Degmooyinka Gobolka ugu dadka badan waxayna Xad beenaad lawadaagtaa Wadamada Kenya iyo itoobiya waa meesha hadda la is oran karo way ugu roontahay Xagga caafimaadka Degmooyinka gobolka inakstoo iyadune ey Caawineyso degmada mandheere ee Gobolka Waqooyi bari Kenya halkaas oo dadbadan oo kayimaada degmooyinka kale ee gobolka u soo cafimaad tagaan allaa Caafimaad baxshee dadaalne waa halkiisee waxayse leedahay labo isbitaal oo waaweyn kuwaas oo iyagu fuliya dhamaan qaliinada fudud inkastoo wixii kiiskooda labixin waayo ey usoo diraan Magaalada ey xad beenaad wadaagta yihin ee Mandheera waxayse kaga fiicantahay degmooyinka kale ee Gobolka waxaa sal dhigtey Dhakhaatiirtii ugu waaweyneyd gobolka Sida DR. Jamaal iyo DR. Shaafici Aadan Ugaas kuwaas oo bulshada baahiyaheeda caafimaad wax ka caawiya .

Baardheere

Waa magaalada oogu dadka badan gobolka waana magaalada ugu liidata Xagga Caafimaadka Gobolka gedo habayaraatee majirto Xarun Caafimaad oo la sheegi karo kuna taalo degmada baardheere waxaana xiran isbitaalkii guud ee degmada oon xogogaal u ahay inuu uxiranyahay Mid kamid ah Jifooyinka degaanka waa magaalo xitaa cafimaadkeedii uu qabyaalad salka lagalay waxaa dadka ku xanuunsada gudaha degmadaas caafimaad ahaan loogu qaadaa degmooyinka DIINSOOR oo katirsan Gobolka Bay iyo mandheera oo katirsan waqooyi barri Kenya waxaa intaas dheer waxay kamid tahay meelaha xagga nafaqa daradda ugu liito Gobolka Si gaar ahaaneed Xilligaan jiilaalka waxa ka dilaaco shuman biyood dadka qaar ayaa u dhinta halka kuwa kalane caafimaad ahaan loogu qaado degmooyinka aan soo sheegay , waxayna dadka degmadaasi ku dhaqan aad uga cabanayaan xaalad caafimaad Darro oo kajirto degmadaas waxayna codsanayaan in dib loofuro isbitaalka degmada oo isugu agab ahaan qalabeysan balse eysan jirin wax ku shaqeeyo marka laga reebo dhowr qol oo isbitaalka katirsan oo u kireysan hay’adda bisha cas oo iyadu ka furtey Meel lagula tacaalo Hooyada iyo dhalaanka Mother And Childs Hospital ( MCH ) .

Luuq ganaane

Waxay kamid tahay Degmooyinka ugu Qadimsan Gobolka Kama jiraan xarumo caafimaad oo sidaas u buuran marka laga soo tago isbitaalka degmada oo si habacsanaan kujirto u shaqeeyo sidookale ma jiraan wax hay’ado caafimaad ah oo degmada degan inkastoo mamaulka degmadaasi kajiro dadka degaanku ey ku eedeynayaan inuu masuul kayahay habacsanaanta dhinaca caafimaadka waayo bey yiraahdeen hadii lasugi lahaa amaanka degmada hay’addaha kashaqeeyo caafimaadka ayaa imaan lahaa waxayse dhibka caafimaad darro laqabtaa degmooyinka kale gobolka Gedo .

Ceel-waaq

Waxay kamid tahay Degmooyinka Caafimaad daradu aadka ugu baahsantahay inastoo iyada qudheedu ey xad beenaad lawadaagto Degmada Ceelqaalow ee Waqooyi barri Kenya halkaas oo ey ku qabaan waxoogaa adeeg caafimaad ah balse waxay kaalinta koowaad ee gobolka kagashay xagga nafaqadaradda ku habsatay gobolka gedo , waxaana dadka degaanka aad ooga cabanayaan xaaladaha nafaqa darro ee Kajiro Degmadaasi

Doolow

Doolow waa degmada lixaad ee Gobolka waxayna Xad beenaad lawadaagtaa Degmada Doolow ee Dalkaasi Ethiopia , waxay haysataa fursadda ugu wanaagsan gobolka marka loo eego dhamaan hay’addaha samafalka ee Gobolka oo iyada saldhigtey kuwaas oo degmooyinka kale ee gobolka kaga carary amni-darro waxayna dadka degaanka hay’adahaan ladagan kahelaan fursado caafimaad kuwo nafaqeyn iyo walibo furaddo shaqo oo eysan haysan dhamaan shacabka kunool degmooyinka kale ee Gobolka ,

Buurdhuubo

Waxay kamid tahay degmooyinka Gobolka ee Caafimaad la’aanta iyo nafaqadaridda ku habsatey waxaa intaas dheer waa meelihii u danbeeyey Gobolka ee ey kadhaceen dagaalo khasaaro ba’an uu kasoo gaaray dadka degaanka balse waxaa wali sidiisii u shaqeeyo isbitaalka guud ee degmada Buurdhubo oo isagu ku tiirsan dawooyinka iyo agabka caafimaad ee uu kahelo isbitaalka degmada Garbaharey oo uu bahwadaag layahay waxaa kale oo iyadune xoogaa dhinaca mushaarka dhakhaatiirka ka caawiso hay’adda NCA oo iyadu ah hay’ad mudo kabadan 15 sanadood ka shaqeyneysay Gobolka gedo .

Waxaakale oo jiro Degaano iyo tuulooyin badan oo dhibaatadan caafimaad darro iyo nafaqa la’aan lawadaago degmooyinka Gobolka waxaana kamid ah

Ceelcadde.ceel-guduud,Buraa.tuulo barwaaqo, Dhamase, buusaar cawsqurun, qadiijo xaaji, gadoondhawe , geedweyne, baambo xaliimo,reysqode, maracadde,malkaa hidaa,suriyo , hilamareer,faanweyn,faafaxdhuun,gariley iyo degaano kale oo aad utiro badan kuwaas oo marka laga sootago dadka degaanka wax ka filaya jaaliyadaha dibadda ee Gobolka kasoo jeedo bal iney xagooda usoo jeestaan oo ey ka caawiiyaan xalaadaha Caafimaad darro iyo walibo midda nafaqadarro ee ka jirto Gobolka gedo ee koonfurta soomaaliya .

Maxaa u sabab ah in caafimaadka oo ah shey qaali u ah bulshada uu heerkaas kagaaro Gobolka .

Waxaa sababay Dhowr Arimood

1. NGO’s ka ama Ururada aan dowliga aheyn kuwaas oo bulshada magacooda wax kusooqaato isla mar ahaanatane aan gaarsiin wixii loogu soo dhiibey dhibanayaasha ey magacooda wax ku cunayaan waana dhibaatada koowaad ee ree Gedo haysato .

2. Isku xirnaan la’aan bulshada ka dhexjirto

3. Maamul wax hogaamin karo lehne aqoon durugsan oon kajriin Gobolka

4. jaaliyadaha Dibadda oo iyagune ah kuwo aan ku baraarusaneyn dhibaatadaas ey ladaala dhacayaan bulshada ey ka dhasheen

5 . ka shaqeynta xarumaha Caafimaadka Degmooyinka oo idil oo lagu qeybiyo hab beeleed min agaasime ilaa kalkaaliye .

Xalku Muxuu yahay

1. Waa in lasameeyaa Gudii caafimaad degmo iyo tuulo kastaa kuwaas oo iyagune hoos tagi doono Gudi caafimaad oo gobolku yeesho kaas oo isagune hoos yimaada wasaarada caafimaadka ee Dowladda Dhexe

2. Guddi aqoon durugsan uleh Caafimaadka ogne waxtarka uu bulshadu uleeyahay caafimaadka oo la hirgaliyo

3. Jaaliyadaha dibadda oo ku baraarugo xaaladaha caafimaad ee kajiro degaanada ey kayimaadeen

4. Maamulka Gobolka oo NGO’s ka ama ururada aan dowliga aheyn kula xisaabtamo waxyaabaha ey magaca bulshada kusoo qaadanayaan iyo waliba wixii hadda ka dambeeya in maamulku sameeyo guddi dabagal toosne ula xariira deeq bixiyayaasha kuwaas oo hubinaya bal in dadkii dhibanayaasha ahaa lagaarsiiyey wixii loogu talagalay iyo in lalunsaday .

5. In la baabi’iyo xarumaha caafimaadka oo maamulidooda iyo ka shaqeyntoodaba lagu qeybsanaayo hab beeleed loona gudbo hab dadka lagu xulanaayo imtixaan iyo qofkastaa iyo aqoontiisa .

Wixii dhaliil iyo bogaadin ah fadlan kala xiriir qoraaga ku saxiixan maqaalka oo emailkiisu hoos kuqoranyahay

W/D Mohamed Cabdinuur
Shaafici121@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com