Kismaayo (AGGM): Waxaa Warbaahinta Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media u suuragashay in ay hesho sawirada Allaha U Naxariistee Marxuum kamid ah sadexdii marxuum ee doraad laga dhex helay meeydkooda magaalada Kismaayo.
Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxay ku dileen gudaha magaalada Kismaayo Allaha U Naxariistee Marxuum Jaamac Cabdi Maxamed Siyaad oo ahaa nin dhalinyaro ah da’aadiisana lagu sheegay inay ahayd 18 jir kana soo jeeda beesha Sade.
Marxuum Jaamac Cabdi Maxamed Siyaad waxa uu kamid ahaa ardayda wax ka barata Iskuulada magaalada Kismaayo.
Sida aad ku arki kartaanba sawiradan Marxuum Jaamac Cabdi Maxamed Siyaad ayaa waxaa ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni si arxan daro ah ula dhaceen rasaas iyagoo u dilay oo qura WAA MAREEXAAN, Marxuumka ayaa waxaa adeero dhow u ah gudoomiyaha degmada Doolow Cabdirashiid Cabdi Xasan (Cabdirashiid Janan), Shaale Cibaad Bulxan iyo Imaam Rashiid Guuraa taa oo ku tusaysa xasuuqa ka socda Kismaayo inaan nina lagu xeerinayn.
Ilaa hadda ma ay jiraan cid ka hadashay ama jawaab ka bixisay dilka, dhaca, kufsiga iyo barakicinta ka socota magaalada Kismaayo.
Isku soo wada duuboo waxaa ka socda magaalada Kismaayo waa xasuuq, dhac, kufsi iyo barakicin waxaana geesanaya waa Maleeshiyada beesha Kablalax ee ay hogaamiyaan Axmed Madoobe iyo Macalin Maxamed iwm.
Daawo Sawirada: NINKII QEYRKIIS LOO XIIRAYOW ADNA SOO QOOYSO!
Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com