Dhageyso+Fadeexad: Dilkii Ugaas Haafoow Oo Cagaha La Galay Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

Kismaayo(AGGM) Nabadoon ka soo jeeda Beesha Cawra Ma Leh ee oo ka hadlay dilkii shalay galinkii dambe loo geystey  Ugaas Xuseen Haafoow ayaa shaaciyey in Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ay dileen Marxuumkaasi,waxaana uu shaaca ka qaaday in Ugaaska geeriyooday uu hore uga hadlay dhibaato ay Maleeshiyaadka Raaskambooni ka geystaan dhibaatada ay ku hayaan shacabka.

Sidoo kale waxaa uu Nabadoonkani sheegay in Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ay gacanta ku dhigeen shacab badan oo aan waxba galabsan oo ay doonayaan inay dambi u sameyaan,waxaana uu sheegay inay wadaan inay dadka macquulka ah ay ka barakiciyaan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ugaas Xuseen Haafoow uu ka hadlay kufsi loo geystay Gabdho yar yar oo ciyaal iskuul ah isla markaasna ay kufsadeen Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana uu sheegay in Ugaaska la dilay uu talaabadaasi ku tilmaamay mid diinta islaamka ka baxsan ayna arrintaasi ka caroodeen horjoogayaasha maleeshiyaadka Raaskambooni.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Macalin Maxamed oo ka mid ah Horjoogayaaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni uu shalay cod baahiyeyaal ku xirtey Gaari isla markaasna ku amrayey in shacabka magaalada Kismaayo qaybahooda diidan Maleeshiyaadka Raaskambooni ay magaalada Iskaga baxaan.

Ugu dambeyntii Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay saacadihii la soo dhaafay dad badan oo shacab ah ka qabqbateen gudaha Magaalada Kismaayo kuwaasi oo la sheegay inaysan waxba ka ogeyn dilka loo geystey Ugaas Xuseen Haafow,waxaana la sheegaya in jirdil baahsan ugu geysanayaan xarumo ay leeyiiin Maleeshiyaadka ONLF Iyo Raaskambooni oo Magaalada Kismaayo ku yaala.

Halkan Ka Dhageyso:

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com