Maxaa Kala Haysta Maleeshiyo Beeleedka Raaskabooni Iyo Shacabka Kismaayo?

0

Kismaayo(AGGM): Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubada Hoose Ayaa Ah Magaalo Aad U Baaxad Wayn Wax Ayna Ledahay Dakad wayn oo ay ka soo dagaan badeecadaha ganacsi badan iyo Xeeb aad u dheer ayado ay ka mid tahay magaalooyinka Ugu dalxiiska iyo barwaaqada badan ayaa hadana waxay soo martay marxalado kala gadisan.

Kismaayo hada waxay gacanta ugu jirtaa Maleeyshiyada Raaskabooniyinta ee gabaadka ka dhigtay ciidamada Kenya waxaan horjooge u ah Axmed Madoobe waxaana ka dhacay tan iyo markii ay gashay gacanta kooxdaas dhibatooyin iskugu jira Dilal, Kufsi, Dhac Hantiyeed, Barakicin iyo Cago Jugleen joogto ah oo si gaar ah loola begsado beelo gaar ah.

Magaalada Kismaayo maalin waliba wax ka dhaco dilal qorsheysan kuwaas oo ay geeystaan  maleeshiyo beeleedka Raaskaboniyinta 24-kii saacba waxay magaalada ku dilaan dad gaaraysa tiradooda  ilaa 5 ruux oo u dhiganta bil walba 150 ruux.

Dhacdoyinkan foosha xun ee xasuuqa ah ayaa waxaa si toos ah u geeysta maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hoogaamiyo Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si indho la’aan ah (Ka Fiirsasho La’aan ah) heshiis ula gashay Maleeshiyada Raaskambooni, heshiis kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, heeshiiskan ay wada galeen ayaa waxa uu dhigayay waxaa kamid ahaa in ay dowladda Soomaaliya maamusho dekada iyo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, Isla markana ay ka war hayso wax waliba oo ka dhaco gudaha magaalada Kismaayo iyo qodobo kale.

Arinta la yaabka galisay Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in dhawaan u maleeshiyada Raaskabooni Ee uu Axmed Madoobe hogaamiyo ay shaaciyeen in ay ka baxeen heshiiskii ay la galeen dowladda Soomaaliya,halka mid kale oo kamid ah horjoogeyaasha Raaskamboonina uu sheegay in heshiiski Addis Ababa lagu gaaray ay dowladda Soomaaliya dib u dhaciisa sabab ay u tahay isjiid jiidka madaxda dowladda Soomaaliya, waase waxay mudan tahay inay ku dhacaan ama lagu dhaho dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh maadaama uu ku balan furay shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka ee u huray naf iyo maalba.

Inta badan dadka sida gaarka ah u lafa guro arimaha siyaasada ayaa waxay horayba isha ugu hayeen Dhaqdhaqaayada ka socdo magaalada Kismaayo, run ahaantiina falanqeeynti arimaha Jubooyinka ay falanqeeyeena waxna la arag, waxna waa ay inoo  dhiman yihiin.

Kismaayo waxay noqotay meel ay hooy ka dhigtaan Argagixisada danaha gaarka ah leh sida Al Shabaab iyo ONLF oo garab siinaya maleeshiyada Raaskambooni waxayna habeen kasta xasuuq ka geeystaan Gudaha magalada taasi oo ay sheegaan in ay ka dambeeyeen Dad aan haybtooda la garan, balse arinta aan daaha saarneyn (Cadeeynta Loo Hayo) ayaa ah in magaalada ay dhibaatada Iyo dilalka ka geeystaan kooxahaas shaararka kala duwan huwan balse isku danta iyo isku heybta ah.

Isku soo wada duuboo waxaa xaqiiqo ah in Dhaqanku Maguuraan Yahay, Maleeshiyaadka Al Shabaab, ONLF iyo Raaskabooni ayaa inta badan sida caadooyinka u ah waxa ay Bartilmameed ka dhigtaan dadka aqoonta iyo garaadka ku dhex leh shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa dagan magaalada Kismaayo, waxa ayna maleeshiyaadkaas marka la eego habka ay u gumaadayaan shacabka kasoo maanguuriyeen dhamaantood Aabihi Falaagada Argagixisada Al Shabaab Xasan Turki oo ah ninka tababaray welina maleeshiyaadka ugu tababara deegaanka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com