Muqdisho(AGGM):Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Gacanta lagu dhigay Ragii ka danbeeyey Dil dhawaan Degmada Buurhakaba loogu Geeystay Odayaal Dhaqameed.
Sareeye Guuto C/xakiin Daahir Saciid “Saacid” Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo galabta Shir jiraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Falkaasi Dilkaa loo soo qabtay ilaa Afar Ruux oo lala Xariirinayo Dhacdadaasi.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Ragaan Labo ka mid ah lagu qabtay Magaalada Baydhabo,Labada kalana lagu qabtay Degmada Buurhakaba.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com