Marka(AGGM):Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Baaritaano Dad lagu Qab qabtay ka sameeyey Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Baaritaanada Maanta ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ugu yaraan Boqol Qof ,kuwaas oo la dhigay Xabsiga Magaalada Marka islamarkaana Su’aalo lagu weydiinayo.
Gudoomiyaha Degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Dadka lagu soo qabtay Maanta Howlgalada lala Xariirinayo in ay Qeyb ka yihiin Dadka Geysta Falalka Amaandaro.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahaan Magaalada ka waday Baaritaano lagu Xaqiijinayo Amaanka Degmada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkaan Hoose ka dhageyso