Dhageyso:Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Baarlamaanka maanta hor tagaya

0

Muqdisho(AGGM):Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa maanta lagu wadaa in uu Baarlamaanka hortago.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shalay kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay Amreen in Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya uu Baarlamaanka horyimaado si wax looga weydiiyo Maamulada Faraha badan ee Dalka Soomaaliya laga sameenayo.

Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Warqad Wasiirka looga Dalbanayo horimaashaha Baarlamaanka loo gudbiyey islamarkaana uu Aqbalay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com