Ciidamada Kenya oo xoog ku furtay ajaanib Al-Shabab Sadex Sanno gacanta ugu jiray

0

Ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ayaa sheegay inay xoog kusoo furteen labo ruux oo u dhashay dalka Kenya una kala shaqeynayay hay’addaha dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF iyo Care International oo muddo Sadex sanno ah gacanta ugu jiray Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan.

War ay soo saareen taliska ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay furteen labada ruux oo lagu kala magacaabo Daniel Njuguna iyo James Kiarie ayaa waxaa xeryaha qaxootiga Kenya ku yaala laga soo qafaashay sanadkii 2011.

Dawlada Kenya waxay ku eedeysay Al-Shabab inay qafaasheen.

Labadaan ruux hadda wararku waxay sheegayaan in caafimaadkooda lagu hubinayo goob caafimaad oo ku taala degmada Dhoobley ee G/Jubbadda Hoose kadibna waxaa loo sii qaadi doonaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya u ah maalinta Sabtiga ah sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga.

Milityry,ga Kenya inkastoo aysan sheegin goobta lagu hayay shaqaalahaan ajanabiga ah haddana waxaaa ay sheegeen inay awood  ku soo furteen.

Isha ku hay Allgalgaduud media

Allgalgaduud@gmail.com