Nairobi (AGGM): Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko (Danjire Kaligi Duul) ayaa ka warbixiyay Kulan gaar ah oo uu la sheegay caawa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Kenya, isagoo sheegay in uu kala hadlay arrimaha howlgalka ka socdo xaafada Islii.
Maxamed Cali Ameeriko ayaa Warbaahinta Wareysi uu siiyay ku sheegay in uu kala hadlay wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Kenya in Ciidamada Kenya ay joojiyaan howlgalka sida gaarka ah Soomaalida uga dhanka ah, waxaana uu wacad ku maray in safaarada Soomalida ee Kenya aysan qaadaneyn in qof somaali ah lagu dhibaateeyo Kenya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com