Dhageyso: Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh “Waa Nasiib Darro Waxaan Ka Maqalnay Kenya”, Balse Aan Ka Hadlin Xasuuqa Maleeshiyada Raaskambooni Iyo Ciidamada Kenya Ka Wadaan Magaalada Kismaayo.

0

Muqdisho (AGGM): R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay qab-qabashada ay ciidamada amniga Kenya ku wadaan Soomaalida degan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Cabdiweli sheegay in arrintan si gaar ah ugala hadlay madaxda dalka Kenya, gaar ahaan Madaxweyne-kuxigeenka, wuxuuna sheegay in madaxdu ay u balanqaadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan arrintan loo soo afjari doono.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa amni-darrada iyo weerarada keenay qab-qabashada ku eedeeyay inay ka danbeeyaa kooxaha argagixisada ee doonaya inay xasilooni darro abuuraan.

Tan iyo toddobaadkii hore, ciidamada amniga Kenya ayaa wada howgallo ay ka fulinayaan xaafadda Islii, iyagoo soo qab-qabtey dad gaaraya ilaa 4-kun oo Soomaali oo qaarkood haatan ku xiran garoonka ciyaaraha Kasarani ee Nairobi.

Kenya ayaa shalay Muqdisho dib ugu celisay 82 qof oo Soomaali ah kuwaasoo Kenya ku joogay si sharci-darro ah.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xasuuqa sida wadajirka ah ay uga qeeyb qaadanayaan ciidamada Kenya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ka socda magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com