Nairobi (AGGM): Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa shalay sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya ay soo wajahday dhibaato xooggan, kaddib markii kumannaan qof oo qaxooti ah la xiray, intii ay socdeen howlagallada ay sameynayaan ciidamada ammaanka Kenya.
Ku-xigeenka madaxa hay’adda Amnesty International ee Afrika, Michelle Kagari ayaa xustay in dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya ay haysato xaalad xun oo xarig iyo masaafuris isugu jirta.
Waxay hay’addu wareysatay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed oo warqaddiisii aqoonsiga qaxootinnimada ay ka qaateen ciidanka, kaddibna ay xireen iyo qof kale oo magaciisa lagu soo koobay Axmed kaas oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab yahay, kaddib markii uu bixin waayay lacag laaluush ah oo ay askartu waydiisteen.
Qaxootiga ayaa u sheegay Amnesty in lagu hayo jirdil, cabsi-gelin iyo xarig sharci-darro ah, tan iyo markii ay howlgalladu billowdeen toddobaadkii hore.
Hay’addu waxay tilmaantay inay halis ku jiraan dadka qaxootiga ah ee aan la diiwaangelin, iyadoo xustay in kuwa haysta waraaqaha saxda ah la xirayo, la handadayo, si xunna loola dhaqmayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com