Muqdisho (AGGM):Warar si hoose ay ku heshay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdi Wali Sheekh qorshaynayo in socdaal asbuucaan gudahiisa ku tago Puntland gaar ahaan Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas.
Inkastoo socdaalka R/wasaaraha aan si fiican loo qeexin hadana ila xog ogaal ah oo aan soo xiganay oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in socdaalkiisa salka ku hayo wada hadal Puntland iyo DF dhaxmara kaas oo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka Puntland iyo DF u dhaxeeya.
Dhawaan ayaa Maamulka Madaxweyne Gaas waxa uu magacaabay Gudi Wasiiro ah oo madax u yahay Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji warsame kuwaas oo loo xilsaaray turxaan bixinta waxayaabaha ay isku hayaan Puntland & DF waxana wararka sheegayaan in socdaalka Cabdi wali ku imaanayo Gaalkacyo arimaha la xariiro.
Safarka Ra,iisul Wasaaraha ayaa wali la shaacinin laakiin waxaa wararku intaa ku darayaan in maalinta Khamiista ama Jimcaha laga yaabo in uu tago Magaalada Gaalkacyo si halkaa kulama ugula yeesho Madaxweyne Gaas oo halkaa booqasho ku jooga.
Maamulkii hore ee Cabdiraxmaan Farole ayaa xariirka u jaray DF Soomaaliya sanadkii hore kadib markii Plnd ku andacootay in DF ku samaysay wax isdaba marin islamarkaana wax ka badashay Dastuurka Dalka loo dajiyay oo aan wali ahayn mid dhamaystiran.
Tan iyo wixii xiligaa ka danbeeyay ma fiicnayn xariirka Puntland iyo DF walow Madaxweyne Gaas xili uu ka qayb galay aaskii Ra,iisul wasaarahii hore Soomaaliya Cabdi risaaq Xaaji Xusen Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh hadana wali ma muuqdo heshiis labada dhinac wada gaareen.
Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tan iyo marki uu xilka qabtay waxa uu booqasho ku tagay qaar ka mid ah gobolada dalka, halka uu ka war wareegayo Caasimada gobolki uu isagu ku dhashay (Garbahaarey) ee gobolka Gedo, taasi oo la oran karo markaa (R/wasaare Cabdiweli Sheekh Garbahaarey Ka Guurataye Garoowe Goof Makuugu Yaal)?
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com