War Deg Deg Ah: Col Bare Hiiraale Oo Ciidamadiisa Heegan Culus Galiyey

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Gudoomiyaha Golaha midnimadda Jubba Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale” ayaa heegan culus galiyey ciidamadiisa,Waxaana ciidamadaasi saaka dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan ka wadaan duleedka Magaalada Kismaayo ka dib markii ay ka war heleen inay jiraan xubno ka tirsan weftigii Maqaarsaar Cabdiweli ay doonayaan inay tagaan Fariisimaha ciidamada dawlada ee ku yaala duleedka Kismaayo gaar ahaan Goobweyn &  Xaafada Sabca Asharaaf.

Col Bare Aadan Shire ayaa la sheegay inuu ciidamadiisa ku amray inay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo isku dayday inay u soo talabaan dhinaca Magaalada Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegaya inay ciidamada dawladu ay galeen xoogan culus oo ku aadan inay ku celiyaan hadii ay yimaadaan qaar ka tirsan xubnaha Cabdiweli Shiikh Axmed ee ku sugan kismaayo.

Xaafada Sabca Asharaaf oo ah meel leh dhawr irid oo laga soo galo isla markaasna ay ku hareereysan yihiin biyo ayaa la sheegayaa in ciidamada Col Bare Hiiraale soo dhoobeen gaadiidka dagaalka & lidka diyaaradaha,waxaana ay sheegeen inaysan aqbali doonin cid ka socota kooxaha ku sugan kismaayo oo yimaada duleedka Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdiwali uu doonayo inuu Goobweyn u soo diro Wassiir ku xigeen ka tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana la sheegay inuu Col Bare hiiraale ku wargeliyey in hadii wasiirkaasi isku dayo inuu yimaado duleedka kismaayo uusan nabad qab kala laaban doonin.

Ugu dambeyntii Col Bare Aadan Shire waxaa uu shaaca ka qaaday inuusan masiirka gobolladda Jubooyinka iyo Gedo uusan u soo badan fariisan doonin dad aan u dhalan soomaaliya isla markaasna laga soo daabulay degaanada Gaarisa Gubaay & Kilinka 5-aad,waxaana uu sheegay inuu hogaan u yahay dhamaan umadda soomaaliyeed ee ku nool 3-da gobol ee uu muranku ka taagan yahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com