400 Askari oo Dowladda Ugandha ka socda oo Muqdisho maanta imaanaya

0

Mas’uul ka tirsan ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in ku dhawaad 400-askari oo ka socda dalka Uganda lagu soo baahin doono dalka Soomaaliya kuwaasi oo shaqadooda ay noqon doonto in ay ilaalo gaar ah ka qabtaan shaqaalaha rayidka ah QM iyo xarumaha ay ku leedahay Muqdisho

Ciidamadaasi ayaa gashan doona koofiyada lagu yaqaan UN-ka iyo dareeska ciidamada dalkaasi Uganda inta ay ka howlgalayaan mgaalada Muqdisho,saraakisha reer galbeedka ah ee ciidamadaasi tababarka siiyay ayaa xafladii lagu soo sogaatinayay ciidamadasi ku booriyay in ay si wanaagsan ay shaqadooda uga gutaan dalka Somalia.

Ciidamadaasi gaaraya 400-askari ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in ay soo gaaran magaalada Muqdisho.

Cor.Badi Akunda afhayeenka ciidamada Uganda ayaa sheegay in QM ay ka dalbatay ciidamada Ugandans ah oo iyaga waardiye ka qabta xarumaha QM iyo shaqaalahooda rayidka ah ee ku sugan Soomaaliya.

Akunda ayaa sheegay in uu rumaysan yahay dlaabkaan inuu yahay mid kalsooni ku dhisan,shaqada ciidamadaasina ay noqon doonto sidii ay u sugi lahaayen amaanka shaqaalaha QM ee ku sugan Soomaaliya.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com