Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Abaanduulaha oo garoonka Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay halkaas u tageen arrimaha dib-u-heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo.

Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa sidoo kale xusay inay kulamo la yeelan doonaan saraakiisha ciidamada ee ku sugan Kismaayo Iyo Goobweeyn.

Isku soo wada duuboo wuxuu jeneraalku ka soo ambabaxay magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo halkaas oo uu shalay ciidamada xoogga dalka iyo agoontiisaba ku siiyay mushaar iyo raashin labo bilood ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com