Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Oo Ku Sugan Garbahaarrey Iyo Ciidamada Oo Mushaarka Laba Bilood La Gaarsiiyay.

0

Garbahaarey (AGGM): Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa shalay booqday ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gado.

Abaanduulaha ayaa warbixin ku aaddan xaaladda iyo sida ay u socdaan howlaha ciidanka ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka howlgalaya gobolka Gado.

Jeneraal Cabdirisaaq ayaa ciidanka ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaallada ay la galeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in uu qorshuhu yahay in lixda bilood ee soo aaddan lagu soo afjaro jiritaanka Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Wuxuu ciidanka dowladda, AMISOM iyo dadweynaha gobolka Gedo uga mahadceliyay iskaashiga ay muujiyeen, wuxuuna ku boorriyay inay labo-laabaan dedaalkooda.

Dhinaca kale, abaanduulaha ayaa ciidanka xoogga ee gobolka Gedo iyo agoontiisaba gaarsiiyay mushaar iyo raashin labo bilood ah, wuxuuna xusay inay heli doonaan daryeel dheeraad ah oo ay dowladdu ugu talagashay ciidanka iyo agoontiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com