Ahlu Sunna Oo Cambaareysay Dilkii Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino.

0

Muqdisho (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilkii maanta magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Isaaq Maxamed Riino oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka Somaaliya.

Xildhibaanka ayaa saaka lagu dilay degmada Xamarweyne markii ay ku qaraxday bambo lagu xiray gaarigiisa.

Xildhibaan kale, Maxamed Cali iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.

Guddoomiyaha guddiga saddexda gole ee ASWJ, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagaxiso ah oo lagu cabsi-gelinayo mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka rayid ah.

Sheekh Ibraahim ayaa u jeediyay madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta inay ka feejignaadaan in walxaha qarxo lagu xiro gaadiidka ay isticmaalayaan iyo guryaha ay degan yihiin.

Wuxuu sheegay inay awoodda Al-Shabaab isugu ururtay dilka ardayda jaamacadaha, dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kooxda falaagada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay xildhibaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com