War Deg Deg Ah+Akhriso: Heshiiski Kismaayo Oo Qarka U Saaran In Lagu Kala Tago Iyo Qodobada Leeysku Diidan Yahay, Yaase Diidan Qodobadan?

0

Kismaayo (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in heshiiski xalay la gaaray uu qarka u saaran yahay inuu bur buro ka dib markii leeysku mari waayay qodobo aad muhiim u ahaa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in garabka Cabdiweli Sheekh Axmed ay ka biyo diideen qodobadan soo socda.

1- In Wadahadalka iyo Heshiiskaba laga qeeyb-galiyo Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanka ka barakacay iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda Soomaaliya inta aysan soo xaroon ciidamada.

2- In Heshiisku noqdo mid UN-ka, EU iyo IGAD ay goobjoog Ka yihiin islamarkaana qodobada ka soo baxa Warbaahinta loo gudbiyo.

3- In Ergooyinka Golaha Nabada Iyo Midnimada Jubbooyinka ee Muqdisho ku sugan si deg deg ah Loo Keeno madasha shirka Kismaayo si ay heshiiska uga qeeyb galaan dhameeystirkiisa.

Qodobadan leeysku mari waayay ayaa waxaa si cad u diiday Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Garabkiisa, waloow ay jiraan weli wadahadalo socda balse aan la ogeeyn halka ay ku danbeen doonaan amaba ee cago dhigan doonto.

Isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dadka badankii waxa ay isweeydiinayaa ma waxuu noqday Afhayeenka Raaskambooni, mise waa R/wasaare u dhexeeya dhamaan dadka Soomaaliyeed, maxuuse heshiiska qodobadan ka dhiman u diidayaa?

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com