War Deg Deg Ah Akhriso: Qodobada Horudhaca Ah Ee Lagu Heshiiyay Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga iminka naga soo garaaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada goobweeyn gudaha u soo galayaan maalinimada beri ah magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaas waxa ay ku darayaan in ciidamada Goobweeyn wax alle waxay doonayeen la ogolaaday sidaasina leysku afgartay dhamaana ciidamada Goobweeyn iyo deegaanada kale ay dhamaantood beri gudaha usoo galayaan magaalada Kismaayo.

Qodobada Horudhaca Ah Ee lagu heshiiyay ayaa waxa ay kala yihiin sidan:

1- In Heshiisyadi Addis Ababa iyo Muqdisho Qodabadi Ka Soo Baxay Siday Ahaayeen  Loo Dhaqan Galinayo.

2- In Amaanka magaalada ay la wareegaan ciidamo dhex dhexaad ah Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon iyo Brundi.

3- In Ciidamada Goobweeyn Sidooda ay U Heesanayaan Hubkooda Iyaga Iyo Kuwa Raaskamboonina Isku si loola dhaqmayo (Isku Xuquuq) xeryo kala duwana ay dagayaan.

4- In Hogaamiyeyaasha Bare Hiiraale Iyo Axmed Madoobe ay Wada joogayaan magaalada Kismaayo isku sina loo tixgalinayo.

Weli waxaa socda wadahadalo dheeri ah oo u dhexeeya odoyaasha dhaqanka beesha Sade iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed lamana garan karo waqtiga shirkooda soo dhamaanayo.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com