Al-shabaab oo gaari ay leedahay QM kasoo qafaashay Kenya

0

Dawlada Kenya aya a sheegtay in dabley hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirdan yihiin Xarakadda Al-Shabab ay gaari ay Q,M leedahay ka qafaasheen Xerada Dhadhaab oo ku taala gobolka Waqooyi bari Kenya kadibna ay dhanka Soomaaliya lasoo aadeen.

Warbaahinta Kenya ayaa qoraysay in koox hubeysan ay gaariga wadada u galeen mar uu ka baxay xeradda Dhadhaab rasaas ay fureena waxaa ku dhaawacmay wadihii gaariga oo hadda la daweynayo.

Gudoomiyaha degaanka Faafi Geoffrey Taragon oo taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka Shinwaa ayaa waxaa uu sheegay in gaariga la dhacay oo noociisu ahaa Nissan Patrol la dhacay saaka kadibna dhanka xaduuda Soomaaliya ula soo dhaqaaqeen.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in koox hubeysan oo Al-Shabab ka tirsan inay dhaceen gaari ay Q,M leedahay kadibna dhanka Soomaaliya ayay la aadeen haddana ciidamadeena ayaa ku raad jooga” ayuu yiri  Geoffrey Taragon oo gudoomiye ka ah degaanka Faafi.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com