AMISOM oo lagu Eedeeyey in Al-shabaab ay Tababarsiiso

0

Saraakiishaan oo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo isticmaalaya Darajadooda Ciidan ayaa la sheegay in ay tababareen ugu yaraan 10 Nin oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Sidee Qoreen Wargeysyadda Dalka Uganda, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah Howllgalka AMISOM ayaa tababareen Niman ka tirsan Argagixisadda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Sarkaal lagu Magacaabo Jackson Byabagambi ayaa Arintaani kashifay, wuxuuna Maxkamadda Militerigga ee Makindye ee Dalka Uganda ka sheegay in Saraakiishaan ay tababar siiyeen Niman ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tababarkaas ka dhacay Sanadkii lasoo dhaafay Xeradda Jasiira oo ku taalla Duuleedka Muqdisho.

“”Waxaa amar nalagu siiyay in aan sii wadno tababarka anakoo waxba aan ka walwalin (…) wuxuuna tababarka qaatay Labo Todobaad” Ayuu Byabagambi kahor yiri Maxkamadda.

Wargeyskaan ayaa Qoray in tababarkaas uu dhacay Bishii May ee Sanadkii 2013.

Illaa iyo hada Labo Sargaal ayaa Maxkamadda la horkeenay, waxaana Frank Kawero iyo Xasan Wantimba lagu heystaa in ay ka dambeeyaan Arintaani, lacagna ku qaateen Tababarka Argagixisadda Soomaaliya. Labadaan Nin ayaa tababarayaal ka ah Xerada Jasiira.

Ciidamada AMISOM ayaa hada kahor lagu eedeeyay in ay Hub ka gataan Kooxda Al-Shabaab, waxeyna dacwadaani noqoneysaa midii ugu horeesay.

Isha ku hay Allgalgaduud media

Allgalgaduud@gmail.com