Baarlamaanka oo maalintii Labaad Kooram la’aan u baaqday

0

Baarlamaanka Soomaaliya maanta  Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya  waxaay  ugu  balan sanaayeen in ay sii wadaan Dood iyo Su’aalo weydiin Qaar kamid ah Wasiirada Soomaaliya.

Waxaana Maanta Markale Baarlamaanka Soomaaliya uu u baaqday Kooram la’aan oo Baarlamaankii Xarunta ma imaan.

Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur iikar ayaa waxaa uu shalay Baarlamaanka ku wargaliyey in ay soo Xaadiraan oo ay u soo Xaadiraan Fadhiga Baarlamaanka.

Qaar kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Baaqashada Baarlamaanka ay Wasiirada Soomaaliya iyo Madaxweynaha ay Lacag ku bixinayaan.

Waxaana wasiiradaas ay Doonayaan  in aan Wax Su’aalo ah aan laga weydiin Qorshe howleedkooda.

Waxaa Xusud mudan in Maanta Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ay tagtay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeenta Marwo Nadiifo,ayadoona aan halkaa wax Xildhibaan ah ugu tagin xarunta.