Barlamaanka Carabta oo lasoo daahay cambaareeynta dilka xildhibaanada

0

War kasoo baxay xarunta baarlamaanka Carabta ayaa waxaa lagu cambaareeyay dil muddo 24 saac ah magaalada Muqdisho loogu geystay 2 mudane oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya mid kalena lagu dhaawacay.

Warkaan oo lagu qoray wakaaladda wararka KUNNA ee dalka Kuwait wararka u faafisa ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha baarlamaanka Carabta ay naxeen beegsiga lagu hayo maalmahaan xildhibaanada Soomaaliya waxaana ay intaa ku dareen inay xanuunka la wadaagayaan baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Carabtu waxaa uu ugu baaqay xildhibaanada Soomaaliya inay ku niyad jabin weerarada noocaas oo kale ah oo aysan ka laaban shaqada ay bulshadda u hayaan

“Baarlamaanka Carabta waxaa uu balan qaadayaa inuu xoojiyo wada shaqaynta iyo taageerada xildhibaanada iyo dawlada Soomaaliya si Soomaaliya looga waayo cid argagax abuurta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ururka baarlamaanka Carabta.

Midawga, Africa , Q,M iyo wadamo kale ayaa horey walaac uga muujiyay 2 xildhibaan oo Muqdisho maalmood lagu dilay midna lagu dhaawacay.

Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan ayaa dusha saartay dilka xildhibaanada waxay ku goodiyeen inay sii wadayaan beegsiga xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com