Beesha Sheekhaal: ”Waxaa la gaaray xiligii kacdoonka ee la iska kor-qaadi lahaa labada cadow ee Jubbooyinka fadhiya”

0

Shirka khadka telefoonka ah oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay beesha Shiikhaal sida Qaybaha Ganacsatada, nabad-doonada, aqoon-yahanka, haweenka, dhalinyarada ee ku kala nool daafaha caalamka ayaa Marka hore waxaa Tacsi iyo Ducoba Beesha Hawada Umariyeen dhamaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka jubbooyinka falkii fowsha xumaa ee lagu dilay Suldaan Caamir Suldaan Cabdi Dhuux Oo lagu dilay magaalada kismaayo Suldaanka oo kamid ahaa salaadiinta gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa markii ay soo shaac baxday dilka Nabadoonka waxaa kullan deg deg ah iskugu yimid dhamaan Bahweynta sheekhaal ayagoo kullamadooda ubadnayeen dhanka shirarka khadka kaas oo ay kor u dhaaftay 200 (laba boqol) oo shaqsi, shirkana uu socday muddo ka badan 5 saacadood.

Shirka Gudiga Qurbajoogta Beesha shiikhaal ayaa waxaa diirada lagu saaray dilka loogeestay Nabadoon Caamir ayadoo ay beeshu kasoo saartay Bayaan ka kooban dhoowr qodob waxaana ay beeshu sheegtay in Nabadoon Caamir Cabdi dhuux uusan ugu horeeyn shaqsi dilkan loogeesta waxa jirtay dilal dhowr ah oo uu kamid ahaa Ganacsade Sandheere iyo dhalinyaro arday ahaa ayaa lagu yiri bayaanka ayadoo dilka Nabadoon Caamir cabdi dhuux uu lamid yahay Salaadiinta waayadan dabargoynta lagu hayay.

Beesha sheekhaal qaybaha qurbajoogta ay fariin udiraya dhamaan beelaha dega jubbooyinka in lagaaray xiligii kacdoonka la iskana horqaadi lahaa labada cadow ee dul fadhiya deeganada jubbooyinka waa sida bayaanka kuqornaa ayadoo ay beeshu kutilmamtay in kismaayo ay kujirto xaalad adag dowlada soomaaliyana ay ku fashilantay wax kaqabashada arimaha gobolka mana jirto cidkale oo maanta shacabka jubbooyinka ay sugayaan oo aan ahayn ALLAHA SWTC ayay beeshu tiri dhulka jubbooyinka iyo shacabkaba waxaa haysta labada cadaw midwalbana midka kale kadaran waxaana ay beeshu laqabtaa beelaha saladiinta horey looga dilay balse beeshu waxaa ay baaq iyo fariinba udiraysaa dhamaan beelaha salaadiinta aqoonyahan ka dhamaan cidkasta oo wax kadegta jubbooyinka in aan lasii dhowran dabargooynta lagu hayo waxgaradka ku abtirsada Jubbooyinka.

Dhanka kale waxaa ay beesha Sheekhaal shaaca kaqaadeen ay jiraan daba gal laxiriira ragii dilay suldaan caamir cabdi dhuux waxaana bayaanka lagu yiri maalmaha sosocda magaalada kismaayo waxa kaso bixidoona natiijo beesha ay kaga qanacdo kooxda Axmed Madoobe.

Dhanka kale Gudiga Qurbajoogta Beesha sheekhaal ayaa si buuxdaqaadacaysaa isku dayga dibindaabyo ee ay dowlada somaliya kadamacsantahay gobolada jubbooyinka waxaana ay dowlada ugu baaqaysaa in aysan lahayn awood ay wax uga qabato arimaha cakiran jubboyinka waxaana bayaanka beeshu kutiri in ay fashilantay dowlada kuna fashilantay arimaha xalinta gobolada dalka bayaanka beesha sheekhaal ayaa waxaa ay baaq dhanbaal ah hawada umariyeen dhaman Salaadiinta gobolada jubbooyinka iyo waxgaradka in ay muujiyaan taxdar feejignan,

Gabogabadii Shirka Gudiga qurbajooga beesha shiikhaal ayaa lagu soo gabagabeeyey duco,iyadoo shirku ku soo xirmay guul iyo ballan danbe,isla halkiina lagaga dhawaaqay guddi loo xilsaaray In ay kawar kenaan raggii kadanbeeyay dilka Nabadoon Caamir cabdi dhuux.

—-Dhamaad—-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com