Beesha Xawaadle oo ku tilmaamtay Maamulka KMG ah ee Juba mid fashilmay oo aan loo dhammeyn.

0

Golaha Marjaca beesha Cabdi Yuuusuf oo ka tirsan beelweynta Xawaadle, kuna mideysan yihiin dhammaan Salaadiinta iyo nabadoonada ayaa kulan ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Muqdisho , waxa ay ku sheegeen in ka beel ahaan ay qaadaceen maamul ku sheega KMG ah ee Juba ee uu hogaamiyo madaxa maleeshiyaadka Raaskambooni Axmed Madoobe oo ah dagaal ooge ka biya diiday inuu dhaqan geliyo guud ahaan heshiiskii hore loogu gaaray Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, kadib markii uu ku degdegay sameynta maamul isaga u gaar ah oo aan lagala tashan dadka deegaanka iyo dowladda Federaalka , kana dhega fureystay baaqyada lagu doonayo in lagu sameeyo ciidan rasmi ah , gacanta dowladdana lagu soo wareejiyo dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle waxa ay ugu yeereysaa ciidamada Xoogga dalka inay ka xoreeyaan kooxda Alshabaab degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Jubada dhexe , si awoodda dowladda loo baahiyo , dadka xaqqooda lagu lunsaday maamulka ku sheega Kismaayo ay ugu istaagaan inay difaacdaan danahooda iyo xaqqooda.

Beesha Xawaadle , waxa ay ugu baaqeysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inay dejiyaan qorshe balaaran oo dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah si loo helo maamulo rasmi ah oo dadka deegaanka ay leeyihiin , waxa ayna beeshu qireysaa in Maamulka KMG ah ee Juba uu dhicisoobay ,fashilna uu hareeyay, loona baahan yahay in la dhiso maamul cusub oo loo dhan yahay.

Beesha Xawaadle , waxa ay ku baaqeysaa in Maamulo ay u dhan yihiin dhammaan beelaha deegaanka look ala sameeyo gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe,Gedo,Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose.

Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan beelweynta Xawaadle waxa ay si lixaad leh u degan tahay degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobolada Jubada hoose , Jubada dhexe ,Gedo,Baay , Bakool iyo Shabeellaha hoose.
Waxaa faafiyay, Nabadoon: Maxamuud Waasuge.

Waxaa faafiyay, Nabadoon: Maxamuud Waasuge.

Wasuge114@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com