Cabdiweli Sheekh Axmed “Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Yuusan Soo Raacin Odayaasha Imaanaya Kismaayo”.

0

Muqdisho (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan ka hor qaban qaabadi odayaasha maanta soo gaaray magaalada Kismaayo In Cabdiweli Sheekh Axmed uu kooxdiisa u waday qaban qaabada ambabaixinta odayaasha maanta gaaray Kismaayo uu ku yiri Ugaas Cisie Ugaas Cabdulle Yuusan soo raacin odayaasha ii imaanaya.

Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Cabdiweli sheekh Axmed uu sheegay in wafdiga soo aadaya maanta aan lagu soo darin Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle iyo Siyaasiyiin kale oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu si toos ah u diiday in Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle uu ka soo dago magaalada Kismaayo, taa oo lagu macneen karo haddii Ugaas Cisie Ugaas Cabdulle ka dago Kismaayo in Acabdiweli Sheekh ay ceebtiisa iyo waxa uu qarsanayo soo shaac baxayaan.

Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa waxa uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo dhawaanahanba uu u joogay xalinta khilaafaadka beesha Sade.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isku dayay dhoowr jeer inuu weerar ku qaado Ciidamada fariisimaha ku leh Goobweeyn, gabi ahaan isku daygiisa waxa ay ku soo wada dhamaadeen fashil iyo wajigabax, ilaa ciidamada AMISO ee shalay isku dayay in ay weerarka ku qaadaan Goobweeyn uu isagu shaqsiyan horkacayay.

Isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh Axmed oo wax ka yar 6 bilood ku jira siyaasada Soomaaliya ayaa waxa uu hada u muuqdaa nin orod ku soo koray masraxa siyaasada Soomaaliya hadana orod uga sii dagaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com