Cabdiweli Sheekh Oo Beri Ku Soo Wajahan Magaalada Muqdisho Iyo Shirarki Kismaayo Oo Fashil Ku Wada Dhamaaday.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaan shirarki u dhexeeyay Cabdiweli Sheekh iyo Waxgaradka iyo Haweenka Jubbooyinka ee ka socday magaalada Kismaayo ay ku soo dhamaadeen fashil.

Warkan ayaa waxa uu intaas ku darayaa in Cabdiweli Sheekh Axmed isku daygiisi soo xareenta ciidamada Goobweeyn iyo wadahadali uu la yeeshay Waxgaradka iyo Haweenka Jubbooyinka dhamaantood ay fashilmeen, Cabdiweli Sheekhna uu maalinimada Khamiista ah ee beri isaga soo hayaamayo magaalada Kismaayo isagoo ku soo fashilmay ujeedkii uu u tagay Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jirar warar sheegaya in Xarunta dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ay ka curteen kacdoono ka dhan ah Cabdiweli Sheekh Axmed haba ugu horeeyaane golaha Wasiirada ee uu hogaamiyo, Baarlamaanka iyo shacabka oo guuxaya.

Isku soo wada duuboo waxaanu dhoowrnaaba waa isbadal bilaha fooda inagu soo haya lagu sameeyo Hogaanka dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com