Ciidamada Dowladda oo dib ula wareegay Deynuunaay

0

Muqdisho(AGGM):Wararka ka imaanaya Deegaanka Deynunaay ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay la Wareegeen.

Waxaana Deegaanka Deynuunaay Habeen hore iskaga baxay Ciidamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo sheegay in ay Saanad La’aan soo Foodsaartay.

Waxaa Goobjoogeyaal ay soo sheegayaan in Ciidamada Huwantaa ay hada kacanta ku hayaan Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay.

Degaanka Deynuunaay 25 KM dhanka Bari kaga Aadan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa waxaa hore Dhwor jeer ku dagaalamay Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Somaaliya.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com