Ciidamada Fariisimaha Ku Leh Duleedka Magaalada Kismaayo Ma Soo Xaroonayaan, Ilaa Qodobadi Heshiiski Addis Ababa La Dhaqan Galiyo,Martina Cid Ugama Aha Jubbooyinka.

0

Goobweyn (AGGM): Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goobweeyn ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada uu hogaamiyo Col. Bare Aden Shire “Bare Hiiraale” iyo Col. Cabdi Cigaal inaysan soo galeyn gudaha magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Qorshahan soo galitaanka Ciidamada magaalada Kismaayo ayaa uu watay Cabdiweli Sheekh Axmed, balse waxa uu ku soo dhamaaday gabi ahaan fashil.

Waxgarad iyo Haween uu saaka aroorti u diray Cabdiweli Sheekh Axmed fariisimaha ciidamadaasi ayaa waxa ay ku soo laabteen magaalada Kismaayo iyagoo ku soo fashilmay inay Col. Bare Aden Shire iyo Col. Cabdi Cigaal ka soo dhaadhiciyaan inay la soo galaan Ciidamadooda gudaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in uu Cabdiweli Sheekh Axmed ku goodiyay inuu weerarayo ciidamadaasi haddii aysan soo galin gudaha magaalada Kismaayo, balse waxaa leeys weeydiinayaa halka uu ka keenayo awooda intaa le’eg ee uu ku weerarayo ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee kal hore ka baxay magaalada Kismaayo iyadoon xal loo helin waxay uga baxeen magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Soomaalida badankeed ayaa saacadba saacada ka dambeysa waxaa loo soo gudbinayaa warar been abuur ah kuwaa oo sheegaya in Ciidamada Goobweeyn ay gudaha u soo galayaan magaalada Kismaayo saacadaha soo socda, galabta, caawa iwm, dhamaan wararkaas ayaa ah kuwo been abuur ah oo aan lahayn sal iyo raad la raaco, Ma ay jiraan wax lagu heshiiyay iyo ciidamo soo xaroonaya.

Isku soo wada duuboo Hunu Hunu Hadal Ma,ahan, Dowladda Soomaaliya ayaa Heshiis baadil ah la gashay horjooagha maleeshiyo beeledka Raaskambooni Axmed Madoobe, Dowladda heshiiskay gashay-na suu doonaba ha ahaada’e dadka Deegaanka Jubbooyinka ee ka soo horjeeda Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waa ay ku qanceen, waxa ay hadda sugayaana waa in la dhaqan galiyo heshiiski Addis Ababa oo aan waxna lagu darin waxna laga dhimin, waxa kalena waa hadal malagiis galay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com