Ciidamada Goobweeyn”Odayaasha Maanta Yimi Magaalada Kismaayo Waxba Kama Badali Karaan Moowqifkeena”.

0

Goobweeyn (AGGM): Wararka naga soo gaaraya iminka deegaanka Goobweeyn ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay magaalada Kismaayo ka soo dageen odayaal dhaqan ee uu hogaaminayay Suldaan Yaroow inaysan bataatanba waxba ka badali karin moowqifka Ciidamada Goobweeyn haddii ay noqon lahayd Mid Ciidan iyo Mid Siyaasadeedba.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta ay gaareen odayaal uu uga yeertay Cabdiweli Sheekh Axmed Magaalada Muqdisho oo uu horkacayay Suldaan Yaroow ay gaareen magaalada Kismaayo si ay wadahadal uga dhex furaan Col. Bare Aden Shire iyo Cabdiweli Sheekh Axmed.

Odayaasha ayaa marki ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxaa garoonka ku soo dhaweeyay horjooge Fartaag oo u galbiyay halka uu dagan yahay Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sarkaal ka mid saraakiisha ciidamada Goobweeyn oo u waramay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in odayaasha maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, Aysan waxba ka duwaneen odayaashi hore ee ku sugnaa magaaladaasi Moowqifka Siyaasadeed ee Ciidamada Goobweeyna aysan waxba ka badali karin.

Sarkaalkan oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay Goobweyn inaysan u joogin dano iyaga u gaar ah balse ay u joogaan danta guud ee dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Jubbooyinka “Adeeroow guryaheena iyo ilmaheena Kismaayo ugama aynaan soo tagin in aan beel gaar ah ama shaqsi qancino, ee waxaan uga soo tagnay waa qadiyad guud oo ka dhaxeeysa dadka Soomaaliyeed, Cabdiweli Sheekhna waa (NIN DAAD QAADAY XUMBO CUSKAY) waxba yuusan odoyaasha ku wareegin, waqtigiisa ha galiyo inuu dhaqan galiyo Heshiiski Addis Ababa.

Isku soo wada duuboo sida ay wararka sheegayaan Cabdiwele Sheekh ayaa waxaa la filayaa diyaarada maanta geeysay Suldaan yaroow iyo odayaasha la socday inuu ka soo raacayo magaalada Kismaayo taa oo haddii ay dhab noqoto ku tusaysa odoyaash maanta tagay inay iyaguna ka mid noqonayaan odayaashi Maxaabiista ku ahaa baqaarka jaamacada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com