Daawo: Danjire Wondimu Asaminew safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Oo Indhihiisa Ku Soo Arkay Sarkaalkii Ugu Weynaa ONLF Cabdirashiid Gooni “Guddoomiyaha Jubbooyinka Ee Raaskambooni” Fadeexad Iyo Kala Carar Ka Dhacay Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Arrimo badan oo saxaafada Soomaalida ay horey uga hadleen ayaa i soo isa soo taraya kaddibmarkii todobaadkaan uu magaalada Kismaayo safar shaqo ku tagay Danjire Wondimu Asaminew oo ah safiirka dawlada Itoopiya ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya, isagoo la socday waftigii Raisul Wasaare Cabdiwali Sh Axmed.

Sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan madaxtooyada Raaskambooni waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay kala carar iyo qax ay sameeyeen saraakiishii ugu waa weynayd ONLF oo Kismaayo isku qarinayay balse ay la socotay Itoopiya. Saraakiishaas waxaa kamid ah Sarkaalkii ONLF Ugu Weynaa Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni oo hadda ku magacaaban “Guddoomiyaha Jubbooyinka Ee Raaskambooni” isagoo sanad ka horna sheeganayay inuu yahay Reer Ogadenia sida ku cad muuqaalka videoga ah ee hoose.

Fadeexadan Iyo Kala Cararkaan ayaa la sheegay in uu yimid kaddibmarkii cabsi ay ka qabaan danjiraha Itoopiya kooxdaan Kismaayo ku dhuumaalaysanaysa ay ku nagaan waayaan magaalada, iyadoo sida na loo sheegayna danjiraha uu la socday tirada, hantida, hubka iyo maleeshiyada ONLF ee lagu diyaarinayo Kismaayo iyo fursadaha dhaqaale oo ay ka heleen dekada iyo Garoonka diyaaradaha oo ahayd dhawaan uun markii uu halkaas hub uga soo degay.

Cabdirashiid Gooni oo ah shaqsiga ay Itoopiya baadigoobka ugu jirtay sababayna in la iswaydiiyo sababta keentay in ONLF Jubbada hoose loo magacaabo iyadoo ay dadkii u dhashay joogaan, ayaana  lagu arag goobaha uu safiirka Itoopiya ka dhex muuqdo halkaas oo la filayay inuu joogo maadaama uu sheegtay guddoomiyaha Jubbada hoose ayna quseeyeen safarada madaxdaas.

Videogaas ayaa la daabacay Published on Jul 13, 2012 oo waqti fog  aysan ka soo wareegan, waana Shirwaynihii 18aad ee Jaaliyaddaha Ogadeniya ee lagu qabtay Magaaladda Toronto, Canada Maalinimaddii 2aad.

Dhanka kale waxaa qeybta hoose iyadana aad ka aqrisan dood culus oo ka dhalatay kaddibmarkii Axmed Madoobe magacaabay sarkaalkaas ONLF taasoo dhexmaray beesha uu ka soo jeedo qaar kale oo difaacaya magacaabistiisa. http://ogadentoday.com/news.php?readmore=11131

Halkaan hoose sidoo kale ka daawo wareysi isagoo sheeganaya guddoomiyaha Jubbooyinka uu dhawaan siiyay qalabka warbaahinta la iska arko.

Khudbadii Cabdirashiid Goobi ee Shirkii ONLF ee Toronto: 

Isagoo sheeganaya Guddoomiyaha Raaskambooni ee Jubbada Hoose:



Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com